Abdalla Abdisalam

Wararka(somali news at Galdogob city)

 

Wasiirka Beeraha Soomaliya ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan hay adaha ku soo aadiya xiliga ay soo go’aan beeraha Soomaliya.

Wasiirka Beeraha soomaliya oo maanta la waregayey xilkaas wasiirnida oo ka hadlayey munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in Aduunka ay ka codsanayaan in wax lo qabto xiliga ay beeraleyda ay abuurayaan beeraha ee aysan aheyn in markii beeruhu u soo go’aan aan la keenin raashin lagu soo aadiyo si aysan uga niyad jabin in ay sii wadaan bveerashada.

Wasiirka oo xilkaasi muqdisho kula wareegayey ayaa uga digey Ha’adaha caalamigaa in aysan ku soo beegin keenida sharinka xiliga aan looga baahneyn, waxaan uu sheegay in ay soo marsiiyaan qorshayaashooda Dowlada si ay talo uga siiso qaabka ugu haboon.

Hadalkaan ayaa ah midkii ugu hireeyey ee uu jeediyo intii uu noqdey Wasiirka beeraha Soomaliya Maxamaed Ibraahim xaabasde oo horey u ahaa wasiirka gaadiidka badada iyo dekadaha Soomaliya uuna ahaa ilaa xiligii Madaxweynhii C/llaahi yuusuf

Search site

Abdalla Abdisalam© 2009 All rights reserved